Wafdiga ayaa booqday xarunta madaniga ah oo lagu dhisay qarashka maamulka iyo maktabada oo lagu dhisayo dhaqaalaha kasoo xarooda buugaa uu qoray r/w dr abiy axmad. Waxa kale oo ay boqden Warshada Saliida Cunaada ah, iyo goobo kala duwan oo wax soo saarka lagu horumarinayo Waddada.
Waxaana halkasi ka hadlay duqa magaalada Diridhabe Mudane Khadir Juxaar oo sheegay in howlaha horumarineed ee lasameeyay sanadadii lasoo dhaafay isbadalka dhanka maamulka ah ee lagu sameeyay shaqo abuurka iyo tignoolajiyada ay saldhig u tahay xaqiijinta horumarka guud ee maamulka.
Dhanka kale, Mudane Ibraahim Yuusuf oo ah Madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo laantisa Diridhabe oo isna halkasi ka hadlay ayaa sheegay in maalgashadayaasha qaybaha kala duwan ee maalgashiga si ay wax soo saarka ugu noqdaan kuwo waxtar leh oo ay guulo wax ku ool ah ka soo hooydeen dhinaca dhaqaalaha oo ay ka badaleen wax soo saarka dalka, isla markaana lagu xasiliyaay qimaha suuqa wax kala ibsiga.
Booqashadan ayaa waxaa shaaca lagaga qaaday in ismaamulku uu si hagar la’aan ah uga shaqeynayo sidii loo dhamaystiri lahaa mashaariicda horumarineed ee ka socda mudada loo qorsheeyay.
Cabdilahi Cabdo
Sawirka:- Aganyew Shewaraga.


