Bannaanbax ballaaran oo taageero dadweyne ah ayaa maanta ka socda Maamulka Dir Dhabe, kaas oo lagu xusayo sannad-guuradii siddeedaad ee safarka isbeddelka qaran ee Itoobiya, oo la bilaabay 24-ka Cuur.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka iyo xisbiga talada haya. Waxaa ka mid ah Duqa Magaalada Dir Dhabe, mudane Khedir Juhar; Ku-xigeenka Duqa Magaalada ee qaabilsan ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha; Afhayeenka Golaha Wakiillada Shacabka ee Maamulka Dir Dhabe, mudane Cabdi Muktar; iyo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqada ee laanta Dir Dhabe, mudane Ibraahim Yuusuf.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qayb galay xubno ka tirsan golaha sare, hoggaamiyeyaasha heerarka kala duwan ee maamulka, iyo wakiillo ka socday sagaalka degmo iyo afarta kilastar ee miyiga, kuwaas oo si weyn u muujiyay taageeradooda.

Bannaanbaxan ayaa ka tarjumaya taageerada xooggan ee shacabka Dir Dhabe ay u hayaan isbeddellada qaran iyo horumarka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *