Shirkada afta mayraa real state iyo hay ada lacagaha yaryar ee dir dhabe ayaa kala saxeexday heshiis wada shaqayna oo daaran dhismaha guryo wadareedyada laga hirgalinayo ismaamulka dir dhabe
Mudane Amir Abdul wahaab oo ah mulkiilaha shirkada afta mayraa real state oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay bilaabeen barnaamijka dhismaha guryo wadareedyada taaso oo uu qofku buxinayo lacagta guriga boqolkiiba 20% halka 80% soo hadhayna uuku buxinayo muddo 15 sano gudaheed
Guryahan oo laga dhisayo xaafada number one ayaa Waxa uu sheegay in ay ku dhamaystiri doonaan muddo illaa muddo sannad gudaheed
diiwaan galintu waxay bilaabmaysa laga bilaabo maalinta Barri oo ku taariikhaysan 5.7.2017 T.I
Sidokale waxa uu sheegay in ay idd ka fulini doonaan illaa 10 mashruuca oo guryo wadareedyo ah kaaso la dhisayo mashruuca 1aad uu ka koobnaan doono 105 guri
Dhinaca kale mudane tashome abebe oo ah maamulaha guud ee hay ada lacagaha yaryar ee dir dhabe ayaa sheegay in hay’adani ay ismaamulka dir dhabe kala qayb qaadato dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee horumarineed
Waxa kale oo uu sheegay in fursadan laga fa iidaysto bulshada aan heli karin dhaqaale wayna ay aayar aayar u kaydsadaan
Wuxuuna bulshada ugu baaqay inay kafa idaystaan fursadan ay ki helimaraan guryo ay hantiyi karaan.
Shucayb daahir
Sawir Aganywo Shewarega


