Madasha 7aad ee Madasha Doorashada Qaranka iyo Horumarinta Calaamadaha Doorashada ayaa lagu qabtay degmooyinka 05, 06, 08 iyo 09 ee Dire Dhabe iyadoo halkudhig looga dhigay: “Itoobiya aan ka dhigno dal tusaale ku daysho mudan!”
Madashaasi waxaa lagu adkeeyay in Xisbiga Barwaaqo uu yahay xisbi si joogto ah ugu heelan horumarinta dalka iyo xaqiijinta danaha guud ee shacabka.
Xubnihii ka hadlay barnaamijka ayaa tilmaamay in astaanta doorashada ee “Xidhmada Qamadi ah” ay ka turjumayso midnimo, isdhexgal bulsho, wax-soo-saar, iyo ka maarmidda ku tiirsanaanta dibadda.
Waxay sidoo kale xuseen in sannadihii isbeddelka, iyadoo uu hoggaaminayo Xisbiga Barwaaqo, la xaqiijiyay horumarro la taaban karo oo ka muuqda beeraha, warshadaha, dalxiiska, macdanta, tiknoolajiyada, iyo guud ahaan adeegyada bulshada.
Horumarradan ayaa horseeday koboc dhaqaale iyo sare u qaadidda nolosha shacabka.
Ka qaybgalayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in hawlo badan oo bulshada loogu adeegayo la fuliyay, kuwaas oo sababay in magaalada ay noqoto mid nadiif ah, qurux badan, isla markaana ku habboon nolol iyo ganacsi.
Ugu dambeyn, waxaa la xusay in Xisbiga Barwaaqadu uu caqabadaha u beddelay fursado, kana dhabeeyay ballanqaadyadii uu shacabka la galay, isagoo fulinaya mashaariic waaweyn oo dhaxal reeb u noqday jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka.


