Waxaa lasoo gaba gabeeyay hawlihi daryeelka deegaanka ee sannadki 9aad toddobaadadi ugu danbeeyay ka socday kilaastarada miyiga ee ismaamulka dir dhabe.

#warka| Munaasibad lagu soo af-meerayay hawlahini ka ilaalinta nabaad guurka carada iyo biyaha.

#DGC| CIRIR 29/2016 T.I

barnaamij si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu kasoo qayb galay duqa ismaamulka mudane khadiir juhar oo lagu qabtay qabalaha ganda riige ee kilaastarka casaliso ayaa lagu soo gunaanaday hawlihi daryeelka deegaanka ee mudadi ugu danbaysay soo socday.

Hawlahani daryeelka deegaanka oo sannadki 9aad kasocday 38 qabale ee miyiga ismaamulka ayaa maanta laga soo gaba gabeeyay 4 kilaastar ee miyiga iyado inti ay hawlahani socdeen natiijo wax ku ool ah kasoo hooyay qorshayaashoodi.

Ugu horayn waxaa barnaamijkasi lagu soo xidhayay hawlahani daryeelka deegaanka ee sannadkani ka hadlay duqa ismaamulka oo sheegay in faa’idada ugu badan ee laga helay hawlahani daryeelka deeganka ay tahay in carada, biyaha laga ilaaliyo nabaad guurka taasina ay kor u qaadayso kaydka biyaha dhulka hoostiisa.

Mudane khadiir juhar ayaa intaasi ku daray in lasii xoojin doono dadaaladani oo lagu ilaalinayo deegaanka si kor loogu qaado wax-soo saarka dalaga beeraha.

Geesta kale mudane nuradiin cabdala oo ah madaxa xafiiska beeraha, biyaha, macdanta iyo tamarta ayaa sheegay in sannadkani si wanaagsan loogu diyaar garoobay hawlahani daryeelka deegaanka iyodo 52 kun oo qof la siiyay wacyigalin sidi loo ilaalin lahaa nabaad guurka deegaanka wuxuna intaasi ku daray in qorshihi hawlaha daryeelka ee sannadkan la hirgashay boqolkiba 87% guud ahaan 4 kilaastar ee miyiga ismaamulka.

Barnaamijkanji ayaa waxaa kasoo dhex muuqday xildhibaan Cabdujawad maxamed oo ah xildhibaanada dir dhabe u fadhiya golaha wakiilada shacabka ee JDFI wuxuna bulshadi kasoo qaybgashay barnaamijkani lagu soo af-meerayay hawlaha daryeelka deegaanka uu ugu hambalyeeyay sida firfircoon ee ay uga qayb galeen hawlahaasi isago raaciyay in uu si dhaw u garab taagan yahay oo uu codkooda gaadhsiin doono ilaa iyo heer federaal.

Xalfadani lagu soo xidhayay hawlahani daryeelka deegaanka ee sannadkan ayaa sido kale waxaa goob joog ka ahaa masuuliyin ka mid ah kaabinedka ismaamulka iyo kilaastarkaasi casaliso ugu danbayntina waxaa abaal marino kala dunan la siiyay qabaleeyadi natiijada wanaagsan kasoo hooyay ee soo kala galay kaalinta koobaad ila kaalinta sadexaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *