Waxaana mahadcelin shahaada sharaf lasiiyay ardaydii qaadatay tababarka farsamada gacanta oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhaqanka iyo ciyaaraha oo kaashanaysa wakkaaladda dhaqanka iyo dalxiiska ee ismaamulkane dir dhabe.

tababar soo socda mudo shan maalmood oo ay ku baranayeen Ku dhawaad ​​38 qof oo dagan ismaamulkane dir dhabe oo maanta la gudunsiyay shahadooyinki ay ku soo dhamaysteen tababaray farsamada gacanta.

Negash oo ah agaasimaha heer hediraa fulinta ee horumarinta farshaxanka iyo dhiirigelinta Suuqyada 0ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha oo hadal ka jeediyay furitaankii barnaamijka ayaa u hambalyeeyay ardaydii tababarka loo soo xidhay, waxaanu sheegay inay fududayn doonaan isku xidhka suuqa, si ay mustaqbalka uga faa’iidaystaan ​​ardayda tababarka qaadanaysa.

Madaxa fulinta ayaa kula dar daarmay ardaydii tababarka loo soo xiray in ay ka faa’ideystaan ​​aqoontii ay barteen si ay kaalintooda uga soo muuqdaan iyaga oo kor u qaadaya xirfadda farsamada oo ay heer sare ay ka gaaraan.

geesta kale Madaxa Xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska ee ismaamulka dir dhaba Mudane Mikael indhale ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda dhaqanka iyo ciyaaraha sida ay isaga kaashanayaan Xafiiskooda ee ku aaddan abuurista muwaadiniin wax soo saar leh.

Maanta ayaa ardaydii la gudunsiyay aqoonsiyo dhanka farsamada gacanta ayaa sheegay in aqoonta ay barteen sida ay uga faa’ideysan doonaan, waxaana ay codsadeen in la siiyo tababaro joogto ah.

ugudanbaynt Wasaaradda dhaqanka iyo ciyaaraha oo kaashanaysa dhaqanka iyo dalxiiska ee dir dhabe ayaa aqoonsatay xirfadda daabacaada, iyadoo inta badan ardayda tababarka loo furay ay yihiin haween guri.

shucayb daahir

sawer qaade Aganyo shawaarag

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *