#DGC Cuur/Magabid 15/2017
Waxaa ismaamulka diridhabe lagu qabtay madal dood wadaag ah oo ku saabsan go’aamadii iyo awaamiirtii laga soo saaray shirwaynihii labaad ee caadiga ahaa ee Xisbiga barawaqo ee halku dhigisu ahaa “Hadal ilaa Dhaqan”.
Waxana ugu horayntii madashaasi ka hadlay Madaxa Waaxda qab-dhismeedka ee Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Diridhabe Mudane Dharaje Tsagaye, oo sheegay in Xisbiga barwaqo uu ku dadaalayo sidii ay dhalinyarada uga qayb qaadan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen.Waxaa kalo uu sheegay in doorka dhalinyaradu ay muhiim tahay in laga midho dhaliyo awaamiirta ka soo baxday shirkii labaad ee caadiga ahaa ee Xisbiga Barwaaqo.
Dhinaca kale, Mudane Gazahaay Andarge, oo ah Madaxa Waaxda Abaabulka ee Guddida Fulinta Garabka Dhallinyarada Xisbiga Barwaaqo iyo Madaxa qaab-dhismeedka Xafiiska Xisbiga Barwaqo ee heer dal ayaa sheegay in uu ku dhawaaqay Xisbiga Barwaaqo go,ammadi uu djiyay shirwaynaha 2aad ee caadiga ah si loo hubiyo ka faa’iidaysiga iyo ka-qaybgalka dhallinyarada.
Waxa kale oo uu tilmaamay in uu si hagar la’aan ah uga shaqayn doono sidii loo xaqiijin lahaa barwaaqada guud ee dalkeenna isagoo garaab ka haysta ururka dhalinyarada.
Geesta kale Mudane Muxiyadin Cabduraxman,oo ah Madaxa Xafiiska Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Diridhabe ayaa sheegay in abaabulka garabka dhalinyarada ee Xisbiga barwaqo uu yahay garab soo dhawaynaya dhalinyarada qaatay mabda’a aasaasiga ah ee xisbiga una halgamaya faa’iidada guud ee xisbiga iyo ka qayb galka.
Dhalinyaradii madasha kaso qayb gashay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dardar galinta horumarka guud ee dalkeena.
Shucayb dahir
Sawirka: Aganyaw Shawa araga.


