Waxaa ka qabsoomay Qiimaynta Warbixinta Waxqabadki 6 Bilood ee deeganada iyo maamul magaloyinka dalka ee Adeega Qurba Joogta itoobiya Ayaa lagu qabtay ismamulka Dir dhabe .

Kulankani qiimaynta waxqabadka 6 bilood ee adeega qurba joogta itoobiya ayaa waxa kaso qayb galay maasuliyiin u horkacayo duqa ismamka dir dhabe mudane khedir juhar Agaasimaha Guud ee Adeegga Qurbajoogta Itoobiya, Danjire fitsum Arega masuliyiin ka kala socday adeega qurba jogta itoobiya ee guud ahaan deeganada iyo ismamul magaloyinka dalka Waxana daahfuray madasha duqa ismaamulka dir dhabe mudane khediir juhar ayaa marka hore kuso dhaweyay agaasimayasha deganada iyo ismamul magaloyinka dalka ee deega qurbajoogta itobiya magalada isjacaylka midnimada wada nolaanshaha iyo iskuduubnida ee dir dhabe taasoo lagumagacaabo in ay tahay “Itoobiyada yar”Sidoo kale wuxuu xusay in ay muhiim u tahay in jiilka labaad ee qurbo joogta Itoobiya ay dalkooda si qoto dheer u fahmaan taariikhda, dhaqanka waana in ay aqoontooda, waaya aragnimadooda, iyo hantidooda u huraan horumarinta dalkooda, isla markaana ay xiriir joogta ah la yeeshaan dadkooda.

wuxuu kalu sheegay in dadaalka lagu dhiirrigelinayo qurbo joogta Itoobiya inay door wax ku ool ah ka qaataan horumarinta dalkooda hooyo Waxa kale oo madasha ka hadlay agaasimaha guud ee adeega qurbajoogta itoobiya danjire fitsum arega waxana u sheegay in kulankan yahay mid lagu qiimaynayo waxqabadki 6 bilood ee adeega qurba joogta itoobiya oo ismamulka dir dhabe aan ku falanqaynayno guud ahaanba waxqabadkii deeganada iyo ismamul magaloyinka dalka Wuxuu xusay in Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed uu hormuud ka yahay fikradda dhiirigelinaysa in muwaadiniinta dibadda ku nool ay gacan ka geystaan dib u dhiska dalkooda Sidaas darteed, waxaa la dejiyay siyaasad rasmi ah oo la xidhiidha qurbo joogta, taasoo horseeday hirgelinta mashaariic iyo dadaallo badan oo ay ka dhalatay guulo la taaban karo waxana ugu danbaynti madasha laguso bandhigay waxqabadka 6 bilood ee guud ahaan deganada iyo ismamul magaloyinka dalka ee 2017 t.i .

Ugu danbaynti waxaana halkaasi waraysi kula yelanay qaar ka mida mareyayashi ka kala socday degaanada dalka iyo ismamul magaloyinka waxana ay sheegen in qurbajoogtu ka qayb qaatan hormarinta dalka waana in ay marwalba ay ku baraarugsanaadan sidi ay ugaso dhalali lahayeen doorkoda kaga adan.

Shucayb daahir

Sawre: Natan shewangizaw

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *