Tababar kor loogu qaadayo aqoonta haweenka iyo garabka haweenka ayaa la siinayaa halku-dhegga “Dhisidda Jiilka Midnimada ee kor u kaca Itoobiya”.
Tababarkan ayaa inta badan ujeedadiisu tahay sidii haweenka da’da yar loogu baraarujin lahaa in ay ka mid yihiin jiilkan iyo in ay awooddooda uga faa’ideeyaan in ay raad ku yeeshaan geeddi socodka dhismaha qaranka iyaga oo fahamsan geeddi socodkii uu dalku galay.
Maayarka ismaamulka Diridhaba mudane Khedir juhar oo isna ka hadlay tababarkan ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xili dib u dhis ah oo uu guulo waawayn ka soo hooyey dhinac walba.
Waxa uu sheegay in Jiilka wadareed uu yahay tubta nabadda, midnimada iyo kobaca guud, isla markaana ay tahay wadadii ay Itoobiya oo dhami ay raad ku yeelan lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana ay uga wada socon lahaayeen danta guud. Haddaba, jiilka da’da yar ee ah dhaxal sugaha dalka iyo sidoo kale haweenku, waa in ay kaalintooda ka qaataan sidii loo sii wadi lahaa horumarka laga diiwaan geliyey wadararta iyaga oo sahaminaya fikradda wadareedka .
Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Diridhaba Mudane Ibraahim Yuusuf ayaa isna dhankiisa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu yahay Xisbi ka soo baxay Iftiimkii Rajada una bedelay Iftiin Rajo isagoo dhibkii la soo kulmay u rogay fursado aan jilbaha la dhigin, wuxuuna sheegay in doorka dhalinyarada iyo haweenku uu yahay mid aad u wayn si guushaas loo gaadho.
Xisbiga Barwaaqo ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in dhalinyarada iyo haweenkuba ay samaystaan raadkooda si loo gaadho socdaalka balaadhan ee barwaaqada ah ee lagu doonayo in Itoobiya astaan u noqoto barwaaqada Afrika sanadka 2023-ka.
Tababarkan ayaa waxaa bixinayay Gudoomiye Ku Xigeenka Xafiiska Gobolka Diridhaba ahna Madaxa Qaybta Siyaasada ee Xisbiga Barwaaqo Mudane Shaakir Axmed. Qodobadii ugu muhiimsanaa ee lagu soo qaatay tababarkan ayaa waxaa ka mid ahaa, in Itoobiya ay noqoto astaanta caalamiga ah ee barwaaqada sanadka 2040-ka, fikradda is-dhexgalka oo kaalin lama ilaawaan ah ku leh dhammaan jilayaasha dhismaha qaranka, iyo baahida loo qabo in la iska kaashado sidii awoodaha iyo qiyamka la isugu uruurin lahaa, looguna biiri lahaa si ay kaalin mug leh uga qaataan geeddi-socodka dhismaha qaranka.
Madasha waxaa lagu soo bandhigay fikrado doodeed oo diiradda lagu saarayay fikradda jiilka isdhexgalka, waxaana doodo ballaaran laga yeeshay.
Tababarka ayaa socon doona labo maalmood oo xiriir ah oo ku saabsan mowduucyo kale.


