Shirkii koowaad ee nus-sanadlaha ahaa ee ay soo qabanqaabisay Laanta Xisbiga Barwaaqada ee ismaamulka Dire Dhabe, kana socday cinwaanka “Itoobiya oo u socota waddan tusaale ah!”, ayaa si rasmi ah u furmay.
Barnaamijka furitaanka shirka waxaa ka soo qayb galay Duqa Magaalada Dire Dhabe mudane Khedir Juhar, Madaxa Xisbiga Barwaaqada ee ismaamulka Dire Dhabe mudane Ibrahim Yusuf, Afhayeenka Golaha ismaamulka Dire Dhabe mudane Cabdi Muktar, Ku-xigeenka Golaha Marwo Karima Cali, hoggaamiyeyaasha sare ee maamulka, culimada diinta, odayaasha dhaqanka, hoggaanka Xisbiga Barwaaqada, iyo xubno ka socday hay’adaha kala duwan iyo degmooyinka.
Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta wadajirka, kor u qaadidda ka-qaybgalka bulshada, iyo dardargelinta dadaallada lagu dhisayo qaran horumar leh oo ku dayasho mudan.
Xafiiska Arrimaha Warfaafinta ee Dowladda ismaamulka Dire Dhabe ayaa si joogto ah ula socon doona shirka, iyagoo bulshada la wadaagi doona macluumaadka iyo natiijooyinka kasoo baxa.


