Wafti uu hoggaaminayo Duqa Magaalada diridhaba oo ka kobaan hogaminta sare is Maamulka diridhaba iyo hogamiinta mamulada 9ka dagmoo ee magalada diridhaba, ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku gadhay Magaalada Jimma.
Waftigu waxay kormeer ku sameeyeen xaruunta bixinta adeegyada hal-goob ee Xafiiska Duqa Magaalada Jimma, jawiga shaqada ee lagu abuuray hirgelinta dib-u-habaynta xafiiska, iyo bixinta adeegyada ay taageerayaan nidaamka dhijitaalka ah si loo yareeyo cabashooyinka macaamiisha.
Duqa Magaalada Jimma mudane daha Qamar, ayaa sharraxaad faahfaahsan siiyay wafdiga wuxuuna xasuusiyay in ka hor isbaddalka, magaalada loo arkayay oo laa odhan jiray “jimma waa magaalo gabowday ” oo laga hor istaagay inay isticmaasho awooddeeda buuxda.
Wuxuu sheegay inay suurtogal tahay in la abuuro magaalo tartan leh iyada oo loo marayo shaqada la qabtay lix ilaa toddobadii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna ka mahadceliyay dareenka uu maamulka Diridhaba siiyay si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya labada magaalo ee walaalaha ah.
Inta wafdigu joogo Magaalada Jimma, wafdigu wuxuu khibrad wadag kaso mayn doona magaalada jimma, ee ku aaddan shaqooyinka horumarinta marrinaddaa waddooyinka, ilaalinta iyo daryeelka dhaxalka, iyo qaybaha warshadaha wax soo saarka.


