Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo horumarinta Magaalooyinka ee Golaha Shacabka itoobiya ayaa boqda hawlaha horumarineed ee ismamulka magalaada diridhaba kasocda.
Waxayna ugu horaynti guddigu boqdeen uu Xarunta Shirarka, “Mesob Dire” oo ah xarunta adeegga hal bowlaha ah, Maktabad, dhismayaal guryo dhisme ah oo lagu dhisayo guryaha iyo hantida maguurtada ah, aagga ganacsiga xorta ah, dakada qallalan, iyo dhul cusub, wadada tareenka iyo waliba garoonka caalamiga ah ee Diridhaba.
Xubnaha Guddida Joogtada ah ayaa socdaal boqasho ka dib waxa ay kulamo la yeesheen Maayar ku xigeenka ismamulka diridhaba mudane Xarbi Buux, Afhayeenka Golaha barlaamanka ee is Maamulka Diridhaba,Marwo Fadxiya Adan iyo qaybaha ay khusayso.
Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Kaabayaasha Dhismayaasha Magaalooyinka ee Golaha Shacabka, Professar Maxammad Abdo ayaa u sharaxay ujeedka o sheegay in ay ka go’an tahay in ay si dagdag ah logu adeego bulshada. Waxa kalo u sheegtay in howlo badan oo dhanka horumarka ah oo laga sameeyay maamulka ay ku guuleysteen dadaalka shacabka iyo go’aan qaadashada hogaaminta.
Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ayaa sheegay in lagu dadaalayo sidii loo xalin lahaa dadka danyarta ah ee haysan guryaha.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee guddiga joogtada Dr. Ishatu Tamesgan, ayaa dhankisa sheegay in magaalada Diridhaba ay ka mid tahay magaalooyinka sida xawliga ah u koraya.
Dr. ishatu waxa kalo uu sheegay in bulshadu ay ka faa’iidaysanayso hawlaha horumarineed ee ay maamulku wadaan oo ay iska kaashanayaan bulshada.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ku tilmamay inay
Diridhaba samaysay horumar dhinac walba oo soo jiidan doona maalgashadayaasha caalamiga ah.


