Waxaa lashaciyay xiliga qabiladda iyo diiwaangalinta ardayda cusub ee kuliyaddaha farsamada iyo xirfadaha diridhaba,oo labilabi doono bisha dirir/diqimti 12 ila 30/2018,.

Diwaan galinta ardayda cusub ayaa laqaban doonaa inta u dhaxaysa 12-30,ee bishan,sannad dugsiyeedka 2018,sida aay sheegtay ku xigeenka xafiska shaqada iyo xirfadaha ee ismamulka diridhaba marwo faduum mustafa.

Waxa ay sheegtay in maamulku uu ahmiyad gaar ah siinayo waxbarashada farsamada gacanta.

Waxaayna sheegtay marwo faduum mar aay warbaxinta lahadlaysay in Labada kuliyadood ee dowladda ay bixin doonan tababaro la xiriira farsamada gacanta laga bilaabo heerka 1 ilaa heerka 5, waxaa lafilaya in aay is duwan galiyan 4kun oo arday sannadkan. Qiimaynta cilmi nafsiga waxaa lagu samayn karaa labada kulliyadood ee farsamada gacanta ee laga dhigo kulliyadaha dawladda.

Ugu dambayntii, waxay sheegtay marwo faduum in sanadka 2017, ardayda fasalka 12aad ardayda wax kulliyadd ah aan dhamaysan ee dhibca wata xaq u yeelan doonaan inay kuliyadaha farsamada kuso xarodan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *