Dhamaystirka Biyo-xidheenka wayen ee wabiga abay wuxuu tusay awoodda Itoobiya iyo midnimada adduunka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Intii lagu guda jiray carwo sawireedka ah oo lagu xusayay furitaanka biyo xidheenka wabiga wayen ee Itoobiya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dhameystirka biyo xireenka waeyn ee wabiga abay uu muujinayo awoodda Itoobiya iyo midnimada adduunka.

Kulankan sawirka ah ayaa waxaa ka hadlay ku xigeenka xafiiska beeraha, biyaha, macdanta iyo tamarta ee ismaamulka Diridhaba Mudane Maxamed Cabdi oo sheegay in biyo xidheenka itoobiya uu u yahay tiirka ifka ee guusha aynu gaarnay, kuna dhisan go’aanka xigmada leh ee madaxdeena, midnimada, dhabar adayga iyo huritaanka shacabkeena iyo fikirka midnimada.

Waxa uu sheegay in sanadka 2018-ka uu yahay sanadkii ay dib u soo noolaynta Itoobiya bilaaban doonto, dhamaadka halgankana uu noqon doono mid guulo dhinac walba leh.

Dadkii aan waraysanay intii aan ka qeyb galnay carwo sawiradka ayaa sheegay in ay tahay astaan ​​guud oo cadeyneysa in aan nahay wadaniyiin marka aan u wada istaagno midnimada Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *