Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada warshadaha ee dawlada federalka Itoobiya mudane Melaku Alebel ayaa gaadhay magaalada Diridhabe si uu xadhiga uga jaro warshado cusub oo laga dhisay maamulka Diridhaba.

Markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Diridhaba, waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay maayir ku xigeenka ahna madaxa xafiiska ganacsiga maaliyada iyo warshadah ismaamulka Diridhaba mudane Xarbi Buux, gudoomiyaha golaha deegaanka ee ismaamulka Diridhaba, Marwo Fethia Aadan, xubno ka tirsan golaha wasiirada, iyo madaxda heerarkeeda kala duwan ee maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *