#DGC Koodxin 27/2017
Marwo muluuka oo mannta shir jaid warbaxinta uqabatay Aya tidhi Iyada oo laga duulayo xaaladda guud ee dhaqaale-xumada, maamulku waxa uu si wada jir ah uga shaqaynaynaa ka jawaabista baahiya bulshada.
Dhanka kale marwo muluuka ayaa sheegay in maamulku u kaqatay sidii fursado shaqo loo abuuri lahaa, loona hagaajin lahaa xaaladda nololeed ee dadka. Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maamulka suuban ayaa kor u qaadaya awooda ka jawaabista baahiyaha shacabka.
Maamulka ayaa xaalad adag soo wajahday sidii kor loogu qaadi lahaa miisaaniyad sanadeedka iyadoo tilmaamtay in lagu dadaalayo sidii loo dhisi lahaa awoodda dakhliga iyadoo diiradda la saarayo qaybaha horumarineed.
Maamulka ayaa qorsheynaya in uu ururiyo 8.7 bilyan oo birr sanadkan, taasoo ah koror boqolkiiba 26.4 ah marka loo eego sanadkii hore.
Marwo Muluka Mohammed ayaa sheegtay in 58% miisaaniyada maamulka loo qoondeeyay sanadkan ay ku baxdo mashaariicaha, waxaana la fuliyay ayay tidhi 158 mashruuc.
158-ka mashruuc, 123 ka mid ah waa cusub yihiin, halka 35 ka mid ah ay jiraan, iyadoo sheegtay in mashaariicda intooda badan la soo gabagabayn doono dhammaadka bishaan.
Ugu dambayntii Marwo Muluuka ayaa tilmaantay in maamulka uu si dhaw u qiimaynayo ulana socdo fulinta mashaariicahaasii.
Shucaayb Tahiir
Sawir qade;Aganyaw Tashagaar


