Xafiiska caafimaadka ee ismamulka Diridhaba,ooy ka go’antahay in ay hubiso in carruurta laga tallaalo cudurka dabaysha.ayaa maanta tababar wacyi galin ah oo ku saabsan baahida loo qabo talaalka dabaysha u qabtay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mudane yusuuf siciid oo ah ku xigeenka xafiska caafimaadka ee ismamulka diridhaba,ayaa sheegay in Wareegii 3-aad ee talaalka cudurka dabeysha laga fulin doono dhamaan dagmooyinka magalaada iyo kuwa miyiga ah ee maamulka.
Ololaha tallaalka dabaysha ayaa la qaban doonaa laga bilaabo bisha kodxin/maskaram 30, 2018 iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Tallaal Bulsho Caafimaad qabta”.
Ku xigeenka madaxa xafiiska Mudnae Yuusuf,sido kale sheegay in loo baahan yahay in cid kasta oo ay khusayso ay iska kaashadaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka qaran ee saaran iyadoo la horumarinayo dadaalka iyo iskaashiga.
Talaalka dabaysha waxa lagu qaban doonaa 3 hosbital oo dawlada ah, 16 xarumo caafimaad iyo 37 rug caafimaad oo ku yaala ismamulka.
Waxaana laasin doona tallalka wareega 3aad carrur gadhaysa 97 kun,oo da dodu ka yartahay 5jir.


