Waxaa la sheegay in kor loo qaadi doono fursadaha shaqo abuurka inta lagu gudajiro qorshaha boqolka maalmood ee waxqabadka xafiiska xirfadaha, shaqada iyo teknoolojiyada ee ismaamulkani dir dhaba.

Tababarki ugu danbeeyay ee uu raysul wasaare abiyi axmed (Dr) uu siiyaay masuuliyinta sare ee dalka ayuu ku sheegay in mudo 100 maalmood ah la qabto hawlo lagaga midho dhalinayo himilooyinka uu dalku leeyahay oo ay ugu waawayn yihin kor u qaadka horumarka qaybihiisa kala duwan iyo xaqiijinta ka jawaabidda baahiyaha maamulka suuban gaar ahaan dhinacyada adeeg bixinta.

Haddaba xafiiska xirfadaha iyo shaqo abuurka ee ismaamulka ayaa mudadani danbe ku hawlanaa sidi uu kor ugu qaadi lahaa fursadaha shaqooyinka gaar ahaan kuwa wax soosaarka cunnada.

Madaxa xafiiskasi mudane roobel getajaw ayaa sheegay in shan urur oo ka shaqayn doona waxsoosarka gaar ahaan dhaqidda digaaga, malabka iyo waliba cuntooyinka fud-fudud ee cidhifyada wadooyinka lagu iibiyo.

Mudane roobel getajaw ayaa intaasi ku daray in kuliyadaha farsamada lagu sameeyay gaagurida shinida, guryaha digaaga oo casri ah, mashiin lagu ridqo calafka digaaga iyo waliba goobaha lagu iibiyo cuntooyinka fud-fudud oo loo sameeyay si casri ah lana jaan qaadi karta bilicda wadooyinka magaalada.

Geesta kale wuxu sheegay mudane roobel in ay barnaamijka ethio coders ee lagu baranayo farsamooyinka teknolojiyada uu xafiiskisu qorsheeyay in shaqaalaha iyo ardayda wax ka barta kuliyadaha farsamooyinka ee ethio-italy iyo dire dawa pol.tecknic college ay bari doonaan 2,600 oo qof barnamijkasi ilaa haddana ay wali wadaan dad kor u dhaafaya 2,500 oo qof.

Qorshahani ayaa waxaa qayb ka ah sidi shaqaalaha,ardayda wax ka barta kuliyadaha ku yaala magaaladani dir dhaba iyo waliba dadka adeegyada u soo doonta xafiiskani in ay wada qaatan taysarada dhijitalka ee National ID ga taasina wuxu sheegay in si buuxda loo hirgaliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *