Waxaa la sheegay in waxqabadyo horumarineed iyo maamul wanaag la fuliyay sanad miisaaniyadeedka 2017 ee dhamaaday si loo xaqiijiyo ka faa’iidaysiga bulshada degmada.
Dhanka shaqo abuurka, dhimista saboolnimada, kordhinta wax soo saarka beeraha ee magaalada sabtida iyo Axada, sugida nabadgalyada iyo deegaanka, ka jawaabista su’aalaha horumarka iyo maamulka suuban ee shacabka, ayaa waxaa halkaasi ka hadlay madaxa fulinta ee degmada mudane Mitku Hunegwu oo sheegay in natiijooyin badan laga soo hooyay ka jawaabista su’aalaha horumarka iyo maamulka suuban ee shacabka.
Natiijooyinkaas ka sokow, madaxa ayaa sheegay in la sii wado howlaha la bilaabay ee kor u qaadaya faa’iidada iyo qanacsatada shacabka.
Waxaa madasha lagu soo bandhigay laguna falanqeeyay warbixinta hirgelinta qorshaha miisaaniyada 2017ka iyo qorshaha miisaaniyada 2018ka.
Ka soo qayb galayaasha dooda ayaa soo jeediyay fikrado iyo su’aalo kala duwan oo ku saabsan warbixintii iyo qorshaha la soo bandhigay, waxaana su’aalahaasi ka jawaabay madaxa degmada mudane Mitku oo sharraxaad ka bixiyay.


