#DGC 1/2017
Xaflada bakhtiyaa nasiibka ah ee xarunta wax iibsiga ee uu dhisay xafiiska ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga ee ismaamulka Diridhabe ayaa maanta lagu qabtay isla xaruntaasi.
Waxana madasha goob joog ka aha oo ka hadlay Mudane Cabdi Mukhtaar oo ah ku xigeenka xafiiska ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga ee ismaamulka Diridhabe ayaa sheegay in si cad oo cadaalad ah loo soo bandhigay qaabka loo sameeyay bakhtiya nasiibka 69 qof ayaana loo sameeyay waxana nasib u yeshay 29 qof.
Mudane Cabdi ayaa tilmaamay in inta kale ee aan nasiibka u yeelan ay iyaguna ka faa’iidaysan doonaan guryaha la dhisayo mustaqbalka.
Mudane Cabdi Mukhtaar ayaa sidoo kale xasuusiyay in dadkii nasiibka u yeeshay maanta isku aadka in ay shaqada ku bilaabaan muddo bil gudaheed ah, wuxuna sheegay in xarunta wax iibsiga ay wax wayn ka tari doonto dhibaatada ka jirta xarunta wax soo saarka iyo iibinta.
Shirkadda horumarinta ee maamulka ayaana la wareegaysa lahaanshaha 29-ka dukaan ee loo sameeyay kuwa nasiibka leh, waxayna la socon doontaa isticmaalka dukaamadaas ujeeddadii loogu talagalay.
Waxaana la sheegay inaay dhismaha dukamada ay ku baxday lacag ka badan 20 milyan oo Birr.
Dhinaca kale, dadkii nasiibka u yeeshay in ay ku guulaysteen tartanka ayaa sheegay in xiliyadii hore lagu dhibi jiray in laga badalo guriyaha kirada ah, waxa ayna sheegeen in ay aad ugu farxeen in ay maanta heleen kuwa dhamaystiran. Waxa ay tilmaameen in dhawaan ay ka shaqo bilaabi doonaan dukaamada ay nasibka ku heleen.
Cabdilahi Cabdo
Sawirka;Aganyaw shawa araga


