Xafiiska Waxbarashada Ismaamulka Diri dhaba ayaa si rasmi ah u daahfuray Buugga Waayaha Macallimiinta iyo websayt-ka TMIS, oo ah nidaam casri ah oo loogu talagalay xog-ururinta, shaqada iyo shaqaalaysiinta macallimiinta, si kor loogu qaado tayada waxbarashada iyo daryeelka macallinka.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka hadlay Duqa Ismaamulka Diridhaba, Mudane Khadir Juhar, kaas oo sheegay in isbeddelka waxbarasho ee la hiigsanayo uu si toos ah ugu xiran yahay dadaalka, kartida iyo hufnaanta macallinka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in macallinku yahay tiirka ugu muhiimsan horumarka dalka, isla markaana ay lama huraan tahay in la aqoonsado waayo aragnimadiisa iyo waxqabadkiisa.
Duqa Ismaamulka ayaa xusay in websayt-ka TMIS uu fududeyn doono ururinta, kaydinta iyo dalacsiinta xogta macallimiinta, islamarkaana uu dhiirrigelin doono macallimiinta ku suntan dadaalka, hal-abuurka iyo waayo-aragnimada dheer. Wuxuu ugu baaqay macallimiinta in ay ururiyaan waxqabadkooda, una beddelaan qoraal iyo sooyaal rasmi ah, si ay jiilasha dambe uga faa’iideystaan.
“Macallin kasta waxa uu ku farxaa marka uu ardaygiisu meel sare gaadho. Aniguna maanta halkan waxa i hor fadhiya macallimiintaydii, anigoo ah Duqa Ismaamulka Diridhaba. Runtii waan idiinka mahadcelinayaa,” ayuu yiri Mudane Khadir Juhar.
Dhankiisa, Mudane Suldaan Cali, Madaxa Xafiiska Waxbarashada Ismaamulka Diridhaba, ayaa sheegay in sannadihii u dambeeyay ay si joogto ah ugu hawlanaayeen soo saarista jiil waxbartay, taas oo keentay in la qabto tartanno aqooneed, waydiin iyo wacyigelin lagu kobcinayo ardayda.
Mudane Suldaan Cali ayaa carrabka ku adkeeyay in macallimiinta dadaalka ugu jira baridda carruurta ay yihiin laf-dhabarta horumarka ismaamulka, isla markaana aysan habboonayn in la halmaamo macallinka iyo waayihiisa. Wuxuu xusay in munaasabaddan loo qabtay laba ujeeddo oo waaweyn:
Daahfurka websayt-ka TMIS ee xogta macallimiinta Soo bandhigista Buugga Waayaha Macallimiinta Ismaamulka Diridhaba.
Ugu dambayn, masuuliyiinta ayaa ku baaqay in wadajir loogu shaqeeyo horumarinta bulshada Ismaamulka Diridhaba, iyada oo macallinka la siinayo mudnaanta, qadarin iyo taageero uu mutaysto.


