Tababarki socday muddo saddax maalmood ah oo uu Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantisa maamulka Diridhaba uu fidiyay hogaminta sare iyo kuwa dhexe ayaa maanta la soo gabagabeeyay.
Intii uu socday barnaamijka tababarka ee maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la dhiso magaalo casriya iyo tayeynta adeegyada ay bixiyaan hay’adaha iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada, gaar ahaan maamulka, horumarinta dhulka, maamulka dakhliga, iyo kor u qaadida howlaha shaqo ee ciidanka booliska, iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada ay wax wayn ka tari doonto sidii ay adeeg hufan ugu heli lahaayeen bulshada adeegsata.
Sidoo kale waxaa la sheegay in hay’adaha kale ay wadaan howlo bilow ah si ay adeegyadooda uga dhigaan mid teknooloji ah, balse shaqada la bilaabay ay tahay in muddo kooban lagu soo gaba gabeeyo, adeegoodana lagu bixiyo tignoolajiyada.
Cabdilahi Cabdo
Sawirka:-Aganyaw Shawa Araga


