Wafti uu hogaminayo Duqa Magaalada Diridhaba, mudane Khadir Juhar, ayaa booqday Xarunta Arteficial Inttelegence(AI) ee Itoobiya.
Inta booqashada xarunta lagu guda jiray, ayuu Duqa Magaalada diridhaba Khadir Juhar,warbahinta lawadagay ayaa sheegay in la wado shaqo lagu abuurayo magaalo tayededu sareyso, iyadoo la dhisayo diridhaba oo magaalo casriyaysan ah, wuxuuna xusay, tusaale ahaan, Xarunta Adeegga Hal-mel ah iyo hawlaha ka socda waaxda caddaaladda ee lagu qalabeyay allada dhijitaalka.
Waxa kale oo uu xusay in la sii wadi doono ka shaqaynta horumarinta tignoolajiyada qaybaha kale, gaar ahaan sirdoonka macmalka ah, arrintan awgeedna, maamulku wuxuu la saxiixday ayuu yidhi duqu heshiis is-afgarad ah Machadka Macmalka ee arteficial intallegence ee Itoobiya si ay uga wada shaqeeyaan.
Hidisan xaruunta ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmad furay Machadka Macmalka ah ee Itoobiya (AI)sanadkan 2018, wuxuuna sheegay in horumarinta AI ay u suurtagelisay Itoobiya inay gaarto marxalad muhiim ah oo tartan caalami ah.
Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Xaruunta AI wuxuu sharraxay in intii booqashadu socotay, Itoobiya ay fulisay mashaariic waawayn oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay gaarto heer sare oo dhanka Afrika ah.
Intii lagu guda jiray barnamijka booqashada, ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen xiisaha ay u qabaan shaqada laga qabanayo goobta.


