Koobkii ugu horeeyay ee taariikhda kubada cagta ee Diridhaba ka socda ayaa ugu danbayntii ku soo idlaaday sii hansami leh guushuna ay ku raacday magaalada xuulka Diridhaba.
Waxaa ka mid ah 5-ta kooxood ee tartamaysay, kooxaha dalka Jabuuti kayimid ee jabuuti Telecom iyo jabuuti Jamhuuriya, wakiilo ka socday horyaalka heerka kobaad ee dalka,kooxda Jaamacada Walwalo iyo kooxda magaalada Diridhaba waxaayna guushu ku danbaysay kooxda Diridhaba.
Sidaasi darteed, kooxda kubadda cagta ee magaalada Diridhaba ayaa afar ciyaarood ciyartay hal kulan barbaro baxday, halka saddexdii ciyaarood ee hadhayna aay badisay, waxaanay sidaas hooganka horyaalka ku mutaysatay 10 dhibcood.
Kooxda Diridhaba ayaa ciyarta finalka guul cidhidhi ah kaga badisay kooxda Jaamacadda Walwalo Adigrat, ciyaartii ugu dambaysay ee tartanka. Jabuuti Telecom ayaa ku soo baxday kaalinta labaad iyadoo wadata sideed dhibcood
Jaamacadda Walwalo Adigrat ayaa ku jirta kaalinta saddexaad, iyadoo leh 7 dhibcood, halka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku jirto kaalinta afaraad, iyadoo leh 3 dhibcood.
Kooxdii ugu fiicnayd ee ka qayb gashay tartanka waxa laga yaabaa in aanay wax guul ah gaadhin laakiin waxa ay qaadan doontaa tababar. Waxaana la filayaa inuu qayb wayn ka qaato horumarinta kubadda cagta ee magaalada Diridhaba. Waxa kale oo la aaminsan yahay in fursadaha dib-u-celinta baddelka la abuuri karo.
Kooxaha ka dhisan magaalada Diridhaba iyo Jaamacadda Walwalo Adigrat ayaa la aaminsan yahay inay yihiin kooxaha ugu badan ee ka faa’iidaysan doona tartankan; Sababtoo ah marxaladihii hore iyo kuwa dambe ee Horyaalka Itoobiya waxayna ka caawin doonaan inaay u diyaargaroban ciyaara heerka kale.
Waxana lasheegay in tartanaada nucaan oo kale midnimada iyo wadajirka qaranka lagu gaaro ,ooy door muuqda ka qaadanaysoo aqoonsiga in Diridhaba ay tahay boqortooyada kubbadda cagta.
Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Diridhaba Ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Diridhaba komishineer Alamu Magra ayaa sheegay in tartankani faa’iidooyin badan leeyahay,oo sii gaar ahna diridhaba uu dhiri galinaya sii magacedi hore ee dhanka kubbada uso nolayso.


