Dalxiiska waa hormuudka warshadaha aduunka waana huteelada iyo maqaayadaha ayuu yiri madaxa xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska.
Mudane Mikael indhale ka soo qayb galay gebagebadii tababarkan kor loogu qaadayay tayada huteelada ayaa sheegay in dib u casriyaynta warshadaha huteelada ee dalkeena, kordhinta qanacsanaanta dalxiisayaasha iyo kordhinta joogitaankooda, si loo dardar geliyo horumarinta dalxiiska, horumarinta kaabayaasha dalxiiska, hoyga iyo cuntada (Hoteelada) si weyn loo eegay.
Si aan u sii wadno guulaha aan gaarnay, anagoo kaashanayna Macadka tababarka Maareynta Hudheelada iyo Dalxiiska ee Addis Ababa, si kor loogu qaado tayada iyo hufnaanta adeegyada dalxiiska, 250 xirfadlayaal ayaa la siiyay tababar si ay u cusboonaysiiyaan soo dhawayntooda, adeegga cuntada iyo cabitaanka, iyo adeeg bixiyayaasha guryaha, ayuu sheegay mudane Mikael indhale
Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Mikael indhale ayaa kula dar daarmay in aad xil iska saartaan horumarinta waaxda oo aad aqoontiina u badashaan goobihii dalxiiska ee deegaanka dir dhabe .
Xafiiska Adeegga Dalxiiska ee Waaxda Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa bixiya adeegyo martigelin,
/daryeelka macaamiisha/ iyo ilaalinta guriga
Mudane Cabdi Mukhtaar, ku xigeenka madaxa xafiiska warshadaha ganacsiga iyo maalgashiga, ayaa ka qayb galay tababarka kor u qaadista tayada iyo aqoonta ay bixiso /HOUSEEPING/.
Itoobiya waxa ay hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ka diwaan galisay dhaxal iyo meelo badan oo soo jiidasho leh, balse waaxda adeegga huteelada iyo dalxiiska oo ah hormuudka ugu weyn ee qaybtan ayaan wax tixgelin ah la siinin, markaa ma helayno faa’iidooyin bulsho iyo dhaqaale oo aynu u qalmin,” ayuu sheegay mudane cabdi mukhtaar .
waxay qabanayaan hawlo ballaadhan oo lagu ilaalinayo qiyamkeena iyo dhaqankeena suuban, si loo diiwaan geliyo hidahayagee hore iyo kuwii dhexeba inay yihiin hidaha qaranka, si loo horumariyo kheyraadka dhaqameed ee aan la taaban karin, si aan u dhisno muuqaalkeena wanaagsan anagoo horumarinayna hidaha iyo dhaqankayaga dir dhabe laga dhigo meel loo dalxiis tago ee Bariga Itoobiya iyo Geeska Afrika. Mudane Cabdi ayaa sheegay waanan qabaneynaa.
Dadkii ka soo qeyb galay tababarada kor loogu qaadayo tayada huteelada, maqaayadaha iyo shirkadaha bixiya adeegyada la midka ah ayaa ra’yigooda ka dhiibtay in dhinacyada ay khuseyso la garab istaago si kor loogu qaado tayada tababarayaasha.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siiso magaalada si ay uga koraan dhanka dalxiiska oo ay u fidiyaan tababaro gaagaaban iyo taageero si loo helo xirfadleyaal ku filan dhanka dalxiiska.
Tababarkan oo ah mid kor loogu qaadayo aqoonta iyo waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dir dhabe Mudane Mikael indhale Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Warshadaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Cabdi Mukhtaar, Macadka Tababarka Maareynta Hudheelada iyo Dalxiiska, Khubaro, Adeegga Hoteelada iyo Dalxiiska, Maalgashadayaasha iyo Macalimiinta.
Shucayb daahir
Sawirka: tedhuroos lu’usagadha


