Ujeeddada barnaamijku waxay ahayd in lagu soo bandhigo waxqabadka xisbiga iyo in bulshada lagu dhiirrigeliyo inay sii taageeraan.
Intii uu socday kulanka, masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay guulaha uu xisbigu gaaray sannadihii la soo dhaafay.
Waxay si gaar ah u xuseen in xisbigu uu ka dhabbeeyay ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka, isla markaana uu ka shaqeeyay horumar ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh sida dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda, iyo xiriirka dibadda.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in mashaariic waaweyn oo horumarineed la fuliyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin hagaajinta magaalooyinka iyo bilicdooda, kuwaas oo uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed. Mashaariicdan ayaa la sheegay inay si muuqata u beddeleen nolosha bulshada isla markaana sare u qaadeen sumcadda dalka.
Dhanka kale, maamulka Dir Dhabe ayaa lagu ammaanay horumarka uu ka sameeyay dhinacyada nabadda, shaqo-abuurka, warshadaha, iyo adeegyada bulshada.
Waxaa la xusay in mashaariicda laga fuliyay Degmada 03 ay u saameeyeen nolosha dadka deegaanka.
Fariinta ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd in dadka loo sheego inay doortaan astaanta “xidhmada qamadi ah,” taas oo loo arko calaamad muujinaysa midnimo, wadajir, iyo horumar.
Masuuliyiintu waxay ku boorriyeen shacabka inay taageeraan xisbiga si loo sii wado horumarka la bilaabay.
Ugu dambeyntii, waxaa lagu baaqay in doorashada qaran ay u dhacdo si nabad ah, cadaalad ah, oo dimuqraadi ah.
Barnaamijkuna wuxuu ku soo gabagaboobay soo bandhigidda musharixiinta xisbiga ee matalaya degmada, kuwaas oo u tartami doona golaha maamulka.


