iyadoo lagu qabtay halku-dheg ah “Dhiirigelinta Hoggaanka Dhalinyarada si loo dhiso Nabad Waarta iyo Xal u helidda Isbeddelka Cimilada.”
Madashan oo muhiim ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 300 oo dhalinyaro ah oo ka kala yimid dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, kuwaas oo u yimid is-weydaarsiga fikradaha, xoojinta iskaashiga, iyo kor u qaadista doorka dhalinyarada ee nabadda iyo horumarka gobolka.
Duqa Magaalada Dire Dhabe, Mudane Khedir Juhar, oo ka qayb galay furitaanka barnaamijka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay dhammaan ka qaybgalayaasha. Wuxuu xusay in Dire Dhabe ay tahay magaalo nabdoon habeen iyo maalinba, isla markaana ay dhalinyaradu door muuqda ka qaataan ilaalinta iyo xoojinta nabadda.
Duqa ayaa sidoo kale tilmaamay in magaalada Dire Dhabe ay leedahay waayo-aragnimo qiimo leh oo ku aaddan dhismaha nabadda iyo ka hortagga saameynta isbeddelka cimilada, isagoo ku booriyay dhalinyarada inay hormuud ka noqdaan kor u qaadista iyo faafinta waayo-aragnimadaas wanaagsan.
Barnaamijka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Marwo Muna Axmed, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka iyo degmada, kuwaas oo ay weheliyaan wakiillo badan oo dhalinyaro ah.


