Madasha Dhalinyarada Geeska Afrika ayaa ka socota magaalada Dire Dhabe,
iyadoo lagu qabtay halku-dheg ah “Dhiirigelinta Hoggaanka Dhalinyarada si loo dhiso Nabad Waarta iyo Xal u helidda Isbeddelka Cimilada.” Madashan oo muhiim ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 300 oo dhalinyaro ah oo ka kala yimid dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, kuwaas oo u yimid is-weydaarsiga fikradaha, xoojinta iskaashiga, iyo…


