Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya ayaa sii xoojinaya ka qaybgalka bulshada iyo taakulaynta qaybaha kala duwan, gaar ahaan ilaalinta deegaanka iyo horumarinta cagaaran, caafimaadka, waxbarashada, gargaarka bini’aadantinimo, masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamka, dhismaha qaranka iyo arrimaha kale ee bulshada iyo dhaqaalaha isagoo ka qayb qaadanaya tabarucaad maaliyadeed iyo mid agabba.
Baangiga ganacsiga Itoobiya ee laanta Diridhaba ayaa maanta qabtay xaflad raashin qaybin ah oo lagu xusayay sanadka cusub ee 2018-ka.
Waxaana munasibadasi ka hadlay agaasimaha bangiga ganacsiga ee laantisa Diridhaba, Mudane Gazahay Baqana,oo sheegay in 25 kg oo daqiq(bur) ah, 5 litir oo saliid ah iyo 1,300 oo bir oo kaash ah ay gaadhsiiyeen 200 oo qof oo danyar ah oo qofkiiba 6,000 oo birr ah, sidoo kalena ay gaadhsiiyeen 200 arday agab waxbarasho oo kala duwan.
Madaxa Xafiiska Horumarinta iyo Maareeynta Dhulka ee Maamulka Diridhaba, Mudane Saajid Caliyi, ahna Wakiilka Maayarka ee maalintaasi, ayaa sheegay in wax badan laga qabtay dhinaca adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinaca dhismaha guryaha dadka danyarta ah, agabka waxbarashada ardayda u baahan in la taageero, iyo qaybinta raashinka dadka danyarta ah.
Wuxuuna u mahad celiyay Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen arimaha bulshada.
Sidoo kale 10 qof oo wax wayn ka qabtay dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada ayaa sidoo kale calaa qofki laa guddoonsiiyay lacag dhan 5 kun oo Birr.


