warkaǀ Madax Waynaha Dawlada Deegaanka Konfurta Itoobiya Mudane tilahun Kabadhe Ayaa ismaaamulka Diri dhabe booqasho ku imiday.

Ugu horanynti Markii uu madaxwaynuhu ka soo dagay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee Diri dhabe waxaa ku soo dhaweeyay duqa magaalada Diri dhabe mudane Khadir Juhar, madaxa xafiiska xisbiga barwaaqada laantisa Diri dhabe mudane Ibraahim Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha ayaa soo kormeeray mashaariicda laga fuliyeey ismaamulka, xafiiska beeraha, xafiiska ganacsiga iyo warshadaha ka jira diri dhabe, komishiinka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xafiiska shaqada iyo xirfadaha ee ismaamulka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay ismaamulka ku arkeen guullo wax ku ol ah oo aanu ku gadhi karno wax ka baddalka himilada horumarka.

Waxa uu tilmaamay in diridhabe laga fuliyay mashariico wax ku ol ah sida garoonka kubbadda cagta ee FIFA ay shahaado aqoonsi heer caalami ah ay siisay, Diri dhabe oo heer gabo gabo ah maraya,

mashruuca biyo xidheenka dhulka hoostiisa mara, mashruuca biyo xidheenka ee Malka Jabti, warshada qalabka caafimaadka ee xaas, shirkadaha digaaga iyo caanaha, xanaanada casriga ah ee Goro.

Waxaana la filayaa in mudada uu joogo waftiga uu madax waynuhu mudane kabadhe dilahun uu madal wada tashi ah kala qayb qadan doonoo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada iyo tuulooyinka miyiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *