Waxaana maanta la soo bandhigay dib u eegis lagu sameeyay warbixintii isku dhafka ahayd ee horumarinta deegaanka ee sanadkan 2016 oo muddo 18 maalmood ah laga waday dhamaan qabaleyada miyiga ismaamulka diridhabe.
Waxana ugu horaynti ka hadlay oo goob joog ka ahaa shirkan lagu so afmerayay hawlaha daryeelka deegaanka duqa ismaamulka Diri dhabe Mudane Khadiir Juhar oo u mahad celiyay masuliyinti ka soo qayb qadatay hawlihi horumarinta daryeelka deegaanka ee sannadkani.
Waxa uu inta ku daray maayarku in hawlaha sanadkan laso qabtay ay wax badan ka badilayaan nolosha bulshadda xoolo dhaqato beeralayda ee ku dhaqan miyiga ismaamulka dir dhabe.
Waxa geesta kale ka hadlay shirkani Madaxa Xafiiska beeraha, Biyaha, Macdanta iyo Tamarta ee Ismaamulka Diri dhabe Mudane Nuuradiin Cabdalla oo sheegay in waxqabad wanaagsan laga so qabtay dhamaan qabaleyada miyiga gaar ahaan qaybta Caymiska Caafimaadka oo barnamijkan qayb ka ahaa.
Waxa ugu danbaynti lashaciyay in maalinta bari ah la qaban doono munasibad abaal marino lagu gudoonsin doono qabaleyadii kalmaha hore kasoo galay ee qorshihi hawlahani daryeelka deegaanka sidi loogu talagalay u fuliyay.


