Waxay sheegeen in doorashadu tahay mid go’aamineysa masiirka mustaqbalka dalka, isla markaana ay tahay fursad muhiim ah oo muwaadiniintu ku gudan karaan xuquuqdooda dastuuriga ah iyo tan dimuqraadiga ah.
Sidaas darteed, waxay ku booriyeen muwaadin kasta oo gaaray da’da codbixinta inuu si sax ah uga faa’iideysto xaqiisa codbixineed.
Sidoo kale, waxay ugu baaqeen dhammaan muwaadiniinta inay si degdeg ah u qaataan kaararka codbixiyeyaasha ka hor inta uusan dhammaan muddada diiwaangelinta, si aysan uga harin ka qaybgalka doorashada.
Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa ammaanay tignoolajiyada casriga ah ee “Codkayga” ee ay hirgelisay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya, taasoo fududeysay habka diiwaangelinta, badbaadisay waqtiga codbixiyeyaasha, isla markaana abuurtay jawi hufan oo sahlan.


