Waxaa maanta si rasmi ah loo daah furay qeybta daawaynta cudurada dhimirka ee laga dhisay xarunta dhaqan celinta ee gudiga dowlada dhexe ee laantida Ismaamulkadirdhabe.
Mudane khadir Juhar oo ah duqa Ismaamulka dir dhaba kulankasi ka hadalay ayaa sheegay in Xaruntan ay ka mid tahay hawlaha horumarka ee laga hirgaliyay Ismaamulka dir dhabe isbeddelka ka dib.
Xaruntan ayaa kaalin weyn ka qadanaysa ka hortaga musuqmaasuqa.
waxaana suurtagal ah in si joogta ah loo xalliyo dhibaatooyinka la xiriira baaritaanka.
Mudane c/salam maxamed oo ah Madaxa xafiiska Cadalada, Nanadgaliyada iyo Araha sharciga ee ismaamulka dir dhabe ayaa sheegay in xaruntan door weyn ka qaadaneyso xalinta dhibaatooyinka la xidhidha nidaamka cadaalada iyo caafimaadka dhimirka ah.
Madaxa xafiiska Caafimaadka ee Ismaamulka dir dhabe Dr Sigeradha Kefle ayaa sheegtay in Dalkeena Itoobiya ku yaala xarunta kaliya ee lagu baaro dhimirka ee Magaalada Addis Ababa. Taas oo keentay in la dardargeliyo nidaamka cadaaladda wax badana ka caawisay dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka.
Gudomiye Xarunta dhaqan celinta ee Dalka Mudane Yuunus Mulu oo ah Gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyay dhamaan maamulka Dir Dhabe shaqada ay ka wadaan xabsiga dhaqan celinta iyo garab istaaga ay la garab taagan yihiin.
Shucayb daahir
Sawir Aganywo shawaarag


