Shaqooyinka horumarinta marinnada ee ka socda ismaamulka Dire Dhabe ayaa si weyn u beddelay muuqaalka magaalada, iyagoo ka dhigay mid qurux badan oo soo jiidasho leh

Isla markaana, hawlahan horumarineed waxay abuureen fursado shaqo oo kala duwan, gaar ahaan dhalinyarada.

Mashruucyada horumarinta marinnada ee ka socda Degmada 4aad iyo 5aad ayaa shaqo u abuuray tiro badan oo dhalinyaro ah. Dhalinyarada ka shaqeynaya mashruucyadan ayaa sheegay in shaqooyinkani ay u noqdeen il dhaqaale iyo fursad ay ku horumariyaan xirfadohooda shaqo.

Waxay sidoo kale tilmaameen in shaqada loo qabanayo si nidaamsan oo isku xiran, iyadoo lagu dadaalayo in hawlaha lagu dhammaystiro tayo sare iyo waqtigii loo cayimay. Intaa waxaa dheer, horumarinta marinnadu waxay ka qayb qaadaneysaa qurxinta magaalada, iyadoo meesha ka saaraysa dhismayaal aan nidaam lahayn, laguna beddelayo kuwo casri ah oo waafaqsan bilicda magaalo casri ah.

Guud ahaan, dhalinyaradu waxay carrabka ku adkeeyeen in hawlaha horumarinta marinnada ee socda ay door weyn ka qaadanayaan isbeddelka muuqaalka Dire Dhabe, abuurista jawi shaqo oo qurux badan, iyo dardargelinta horumarka magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *