Dib-u-eegistii Waxqabadkii Degmooyinka iyo Miyiga ee ismaamulka Diridhaba ee Sannadka 2018-ka ee rubuci 1aad

Miisaaniyadda ismaamulka Diridhabe ee 2018-ka Sannadka 1-aad ee Rubuca 1-aad ee Dawladda iyo Madasha dib u eegista waxqabadka degmooyinka magaalooyinka iyo miyiga ayaa dib u eegis lagu sameeyay warbixinta waxqabadka sanadka 2018-ka ee rubuci 1aad ee degmooyinka magaalooyinka iyo miyiga iyadoo uu goob joog ka ahaa maayir ku xigeenka ahna madaxa xafiiska ganacsiga malgashiga iyo warshadaha ismaamulka Diridhaba Mudane Xarbi Buux.

Madashaas ayaa waxaa warbixin ka soo jeediyay khubarada sare ee guddiga qorsheynta iyo horumarinta maamulka, mudane Habtamu Kiros oo soo jeediyay warbixinta waxqabadka degmooyinka iyo miyiga, waxaana la qabtay dood dhinacyo badan taabanaysa.

Ugu dambayntii waxa halkaa ka hadlay Maayar ku xigeenka ahna madaxa xafiiska ganacsiga malgashiva iyo warshadaha Xarbi oo soo jeediyay talooyinka soo socda Waa in dhammaan degmooyinku doorkooda ka qaataan xoojinta magaalada Diridhaba oo ah xarunta maalgashiga iyo dalxiiska baahida loo qabo in la sii wado xoojinta habka isuduwidda waa in uu sii socdaa habka hagaajinta adeeg bixinta degmooyinka waa in la xoojiyaa nidaamka xakamaynta ee ka dhanka ah ganacsatada sida sharci darada ah u kordhisa qiimaha kor u kaca maciishada; Waa in la mamnuucaa dhaqdhaqaaqyada wax u dhimaya nadaafadda iyo bilicda magaalada waana in la dhaqan geliyo xoojinta hareeraha, iyo fikrado kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *