Bulshadda ku dhaqan xafada bargeele ee dagmada 02 ayaa sheegay inay ku faraxsanyihin wadada raafta ee laga hirgaliyay xafadasi.

Waxaa maanta la soo gabagabeeyay oo la daah furay mashruuc biyo mareen oo dhararkisu yahay 1 KM iyo 7 mitir oo wado raaf ah.

Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laanta diridhaba,Mudane Ibraahim Yuusuf,oo ka hadlay xaflada furitaanka ayaa hambalyo u diray bulshada agaasi,wuxuuna sheegtay in magaalada Diridhaba laga sameeyay hawlo badan oo horumarineed oo ku salaysan baahida bulshada.

Wuxuuna sheegay in mashaariicda ay ka qayb qaadanayaan bulshadu ay sii xoojin doonaan.

Dhanka kale Madaxa Wakaalada Horumarinta Ka Qayb galka Bulshada ee is Maamulka diridhaba Mrwo Raxima Awal,ayaa sheegtay in mashruucan uu ka kooban yahay 1,000 mitir oo ah mariinka biyaha iyo 7mitir oo ah.

Marwo Raxima ayaa sido kale xustay in ka hor intii aan mashruucan lags fulinin xafadan aanu ahayn mid ku haboon in lagu noolaado balse hadda laga wado isku xidhka bulshada iyada oo loo marayo mashruuca waxana ay tilmaantay in si dag dag ah wax looga qabto dhibaatooyinka jira.

Gudomiyaha dagmada 2 Mudane Abel Misraq,ayaa dhankisa sheegay in mashaariicda ka qayb galka bulshada ay xal u yihiin dhibaatooyinka bulshada.

Wuxuuna sheegtay in horay sanado badan la ildarnayeen bulshada xafadani wado xuumo, hadase mamulku marku ahmiyad gaar siyay laga jawabay dhibatadasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *