Xafiiska Maamulka Degmada 02 Oo Kala Saxeexday Waxqabadkii 2017 Iyo xogaha Hirgelinta Qorshaha 2018 Hay’adaha Fulintu.

Madaxa fulinta ee maamulka degmada mudane Aabel misraaq ayaa sheegay in uu yahay qoraal heshiis wada jir ah oo suurta galinaya in shaqada wax ku oolka ah la sii wado mustaqbalka lana ogaan karo inta dhiman waxqabadyada kooban lagana gaaro guulo wanagsan.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah dib u eegis loogu sameeyo qorshaha xisbiga iyo xukuumadda, lagana saxiixo qodobbadii lagu heshiiyey si loo gaaro natiijo muuqata, isla markaana la isla xisaabtamo.

Xubnaha golaha ee degmada iyo hawl wadeenada qaybaha kala duwan ayaa saxeexay ,xogaha heshiiska wadajirka ah iyadoo uu goob joog ka ahaa gudoomiyaha golaha deegaanka degmada.

Madaxa fulinta ayaa sheegay in maadaama uu bilowday sanad miisaaniyeedka 2018ka

waxaan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay in aan si buuxda u hirgelinno howlaha horumarineed iyo kuwa maamul ee qorsheysan anagoo si wadajir ah u saxiixnay xogaha heshiiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *