Waxa Lasheegay In Muwaadin Kasta Musuuliyad Ka Saaran Tahay Sidi Loga hortaggi Laha Wasakhowga Cimilada iyo Wasakhda Biyaha.

Waxaa wada tashi ku sabsan habracyadda lagu xakamaynayo wasakhawga biyaha iyo qashinka Lala yeeshay dhinacyada aay qusayso Arrintani oo ay si wada jir ah uso diyariyeen Wakkalada adeega biyaha ismamulka diridhabe iyo Wakkalada Maraynta dhirta iyo isbadalka Cimilada ismamulka diridhabe.

Waxaana madasha ugu horaynti ka hadlay maareeyaha wakkalada ilaalinta deegaanka,dhirta kaymaha iyo isbadalka cimilada ee ismaamulka Diri dhabe mudane Cabdu Maxamad oo sheegay in khasaaraha badan ee ka dhalan kara xaalufinta kheyraadka biyaha aysan ahayn mid sahlan ama khatarteda lah.

Haddaba, si looga hortago wasakhowga biyaha, loogana gudbo dhibaatooyinka la arkay waa in shacabka iyo hay’adaha ay khusayso arrintani oo ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa kheyraadka biyaha.

Geesta kale Maareeyaha Wakkalada adeega Biyaha Ismaamulka Diri dhabe Mudane Maxammad Musse ayaa sheegay inay wadaan hawlo kala duwan oo lagu xakamaynayo wasakhda biyaha ee Diri dhabe.

Waxa kalo uu tilmaamay mudane maxammad in dhibta ay u gaystaan ​​kaydka biyaha ee ka dhasha dhacdooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani-aadmiga ah iyo sidoo kale qashinka iyo wasakhda ka dhalanaysa ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ay dhibaato ku tahay biyaha nadiifka ah ee la cabo.

Waxaa lagu soo bandhigay madashan wada tashiga ah cilmi baaris ku saabsan qashinka halista ah iyo arrimaha la xiriira kuwaas oo ah sababaha keena wasakhowga iyo wasakheynta.

Kadib marki ay qoto dheer uga doodeen ka soo qeyb galayaasha madashasi ayaa ugu danbayn madasha wadatashiga laga soo jeediyay in dhaqankeena qashinka lagu hagaajiyo iyadoo la qaadanayo habka ka hortagga wasakhaynta ee lagu taageerayo tignoolajiyada iyo in adeeg bixiyayaasha iyo bulshada iyo sidoo kale hay’adaha caafimaadka oo ah halka qashinka laga soo saaro ay fiiro gaar ah u yeeshaan arrintasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *