Xuska 19aad ee maalinta qoowmiyadaha iyo shucuubta dalka ayaa ismaamulka dir dhabe looga xusi doona laga bilaabo toddobaadkani ilaa laga gaadhayo 18 bishani gudba/hidhaar ee sannadkani 2017 T.I

#DGC gudba 03/2017

Afhayeenada golaha wakiilada shacabka ismaamulka dir dhabe marwo fadxiya aadan ayaa shir saxafadeed ay xafiiskeeda kula yeeladay warbaahinta sheegtay in xuska sannadkani loogu diyaar garoobay si diiran iyado ay maalintani tahay maalin dastuurka qaranka ku xusan oo ah maalintii la helay midnimada iyo sinaanta taasi oo laga dhaxlay dimuquraadiyad madax-banaani.

Marwo fadxiya aadan ayaa intaasi ku dartay in xuskan ka ismaamul ahaan siyaabo kala duwan loo qaban doono waxayna sheegtay in kulano dood cilmiyeed ah oo loo qaban doono haweenka, dhalinyarada, shaqaalaha dawlada, ciyaaro isboorti, dhiig bixin iyo waliba dayactir guryo kuwaasi oo lagu mamuusi doona maalintani 29 bisha Gudba/hidhar.

Xuska 19aad ee maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta dalka ee sanadkan uu martigalinayo Deegaanka Koonfurta Itoobiya ayaa halkudhig looga dhigay “Isfahan qaran oo ku salaysan midnimada qoomiyadaha”, ayaa u dabaal dagiisu ismaamulka ka socon doona ilaa 18 bishani.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *