#warka| waxaa maanta ismaamulka dir dhabe marki 9aad lagu qabtay maalinta quudinta ardayda dugsiyada afrika.

Maalintani quudinta ardayda dugsiyada ayaa maanta si heer qaran ah marki shanaad laga xusay xaga si heer afrika ahna marki 9aad looga maamusay ayaa waxaa halkudhag looga dhigay sannadkani ”in aan hantideena ku bixino barnaamijka quudinta ardayda dugsiyadu waxay inoo hor seedi dhisida jiil wanaagsan” ayaa waxaa barnaamij quudin ah lagu qabtay dugsiga hoose dhexe ee loogu magac daray hobolki caanka ahaa ee cali birra ee ku yaala xaafada gande gabata ee ismaamulkani dir dhabe.

Barnaamijkani ayaa waxaa kasoo qayb galay kana hadlayna duqa ismaamulka dir dhabe mudane khadiir juhar oo sheegay in barnaamijkani quudinta ardayda si guud dalkoodhan ahmuyad gaar ah la siiyay dadaalo badana loo galay sidi culayska waalidiinta ka saaran in ay ardaydooda u helaan wax ay quutaan ayaa waxaa intaasi dheer buu idhi in ay ardaydu si dagan ay waxbarashadooda u wataan ayuu faa’ido wanaagsan u leeyahay.

Geesta kale madaxa xafiiska waxbarashada ee ismaamulka dir dhabe mudane suldaan caliyi ayaa sheegay in barnaamijkani quudinta ardayda hadda ka hor loo baahna in dadaal balaadhan la galiyo sidi baahiyaha kala ah helida cunada ardayda loo diyaarinayo, in magaasan cuntada lagu kaydiyo, agabka cunada lagu kariyo iyo waliba gaadhsiinta biyaha nadiifta ah taasina waxaa dhabarka u ritay oo ka gacan qaatay shacabku.

Barnaamijkani ayaa la aaminsan yahay in uu door muhiim ah ka qaadan karo kor u qaadida tirada iyo tayada ardayda iyado wasiiru dawlaha wasaarata tacliinta ahna madaxa waaxda kor u qaadida tayada waxbarashada marwo ayalej ishete waxayna intaasi ku dartay in waalidada looga baahan yahay in ay caruurtooda kusoo xidhan dugsiyada waxbarashada si jiilka soo kacayo ay u noqdaan kuwo waxtar u leh dalkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *