Waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Diri dhaba kusoo dhaweeyey duqa ismaamulka diri dhabe mudane Khadiir Jawhar iyo madax weynaha Deegaanka Hararida mudane Ordi Badhri.
Mudane Aadan Faarax ayaa booqday suuqii shalay gubtay waxaana khasaaraha uu dabkaasi dhaliyay iyo sida uu u dhacay sharaxaad ka siiyey duqa Diri dhaba mudane Khadir Jawhar.
Mudane Aadan Faarax madax weyne kuxigeenka xisbiga Barwaaqo ahna raisul rasaare ku xigeenka JDFI ayaa sheegay In uu ka xunyahay wixii halkan ka dhacay wuxuna intaasi ku daray in uu shacab kana la qaybsanayo murugada dadaalka la bixiyey waa mid muujinaya dhaqanka reer Diri dhaba ee kudhisan iscaawinta mustaqbalka waxaan halkan ka dhigidoona meel ka wanaagsan sidii hore waxaanan dib u dajin ugu samayn doonaa shacabkii hantidoodu ku burburtay dhacdadan waxaan shacabka kula dardaarmayaa inay wixii karaankood ah ku caawiyaan walaalahooga ku hanti beelay suuqa gubtay.


