Wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada diridhabe Mudane Khadir Juhar ayaa booqasho indha indhayna ku tagay qar ka mid tulloyinka Miyigga ee ismamulka diridhabe.
Booqashadan oo ujeedkisu aha in hawlaha dhanka doxooyinka halkay marayan laso indha indhayoo ayaa tulloyinka aay kamid yihin halo bussa,dhujuma oo hoos yimada kilastarka Wahel,halka tullada ganda rigge,hula hululna ay kamid hoos yimada kilastarka Xasa liso iyo Waliba tullada balawa iyo qalicha oo hoos yimada kilastarka biya Cawale.
Kormeerkan ayaa waxaa ugu horaynti ka hadlay duqa magaalada diridhabe Mudane Khadir Juhaar oo sheegay in hawlaha horumarinta biyo galinta ay u socdaan sidii loogu tala galay oo uu shacabkuna si firfircoon uga qayb qaadanayo.
Duqa magaalada ayaa sido kale sheegay in horumarinta doxooyinku oo soconayo muddo 40 maalmood ah halku-dhiggiisu yahay “Khayraadka carradeenu Waa Barwaaqadeena”, taas oo ka caawin doonta dadaalka loogu jiro isku filnaansho dhanka cuntada ah, balse ay sidoo kale wax kabadali doonto isbaddalka cimilada iyo dhismaha dhaqaale.
Dhinaca kale, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Ee Diridhabe Mudane Ibraahin Yuusuf, ayaa xasuusiyay in xukuumadu, gaar ahaan isbadalka ka dib ay wado hawlo bulshadda faa’iido balaadhan u leh.
Waxa uu sheegay in hawsha horumarinta biyo xidheenadu ay dadka si waara uga faa’iidaysan doonaan, sidoo kalena ay kaalin mug leh ka qaadanayso horumarinta deegaanka..
Mudane Ibraahin ayaa sido kale sheegay in hawshani ay tahay mid si heersare ah looga wada qayb qaadanayo isla markaana loo baahan yahay in waxqabadkii guud ee lagu arkay hawlaha horumarinta biyo xidheenada lagu soo celiyo hawlaha kale ee horumarineed.
Geesta kale Madaxa Xafiiska Beeraha, Biyaha, iyo Tamarta Ee ismaamulka Diridhabe Mudane Nuuradiin Cabdalla oo dhankiisa sheegay in waxqabadyadii hore ee horumarinta biyo galinta aysan ahayn kuwo horumariya cimilada iyo bilicda miyiga, balse ay ka qayb qaateen kor u qadida tayada wax soo saarka dhinaca beeraha.
Mudane Nuuradiin ayaa sharaxay in hawlaha horumarinta biyo galinta ee isku dhafka ah loo qaybinayo qaybo xilliyada xagaaga ah.
Mudane Nuuradiin ayaa sido kale sheegay in howlaha laga fulinayo sida dayactirka barxadaha bariiska, ku faafinta digada, ka saarida haraadiga, iyo sidoo kale horumarinta guga ee la xiriirta waraabka, balliga iyo kanaalka biyaha, sida uu qorshuhu yahay.
Waxa kalo uu tilmaamay in marka laga soo tago ilaalinta ciidda iyo biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo hawlaha samafalka ay wadaan sidii bulshadda gobaha miyigga dagan looga qayb galin lahaa hawlaha horumarinta biyaha.
Cabadilahi Cabdo
Sawir qade:Aganyaw Shawa araga


