Weftigu waxa ay socdaal tareen ah ku soo mareen, waxaana xubnaha weftiga oo aanu wakhtigaas la hadalnay ay sheegeen inay magaalada Diridhabe ka soo mareen khibrado badan waxay sheegeen in Shirkadda Tareenka ee Diridhaba-Dewole ay leedahay taariikh facweyn oo soo jireen ah.
falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan la shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin hay’addan, isla markaana ay u gudbin doonaan aqoonta si ay u sii wadaan hiddaha taariikhiga ah.


