Iyadoo Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada, Hay’adaha Gobolka iyo kuwa masuulka ka ahba ay magaalada Diridhaba ku qabteen madal dood wadaag ah oo ku saabsan meel marinta qorshaha sanad miisaaniyeedka 2017ka iyo qorshaha sanad miisaaniyadeedka 2018ka. Maamulka Diridhaba ayaa hadyad jacayl ah gudoonsiiyay marti sharaftii Diridhaba u timid ka qayb galka madashaasi.
Sidaasi darteed, waxa halkaasi ka hadlay Madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laantisani Diridhaba, mudane Ibraahim Yuusuf oo hadiyada guddoonsiiyey, waxaanu ku dheeraaday in magaalada Diridhaba tahay magaalo midnimo, kalgacal iyo naxariis; waxaana hadyada la gudoonsiiyay ay ahayd mid lagu muujinayo jacaylka iyadoo lagu soo dhawaynayo martida.
Mudane Ibraahim waxa uu sidoo kale tilmaamay in Diri dhabe uu ku dadaalayo sidii loo dardargelin lahaa socdaalka aalada casriga ah ee uu bilaabay Waxa uu sidoo kale tilmaamay in si dardar leh loo sii wadi doono soo saarista dhalinyaro aqoon u leh farsamada.
Wasiirka Hal abuurka iyo Tignoolajiyada Beliko Mola (PhD) ayaa yiri “Waxaan si dhab ah u aragnay in Diridhabe ay tahay magaalo soo dhaweyn leh” wuxuuna ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay.
Wasiirka ayaa sheegay in deegaanka Diri dhabe uu marayo meel sare oo horumar ah Wuxuu tilmaamay inuu ka wada shaqeyn doono sidii loo sii ballaarin lahaa shaqooyinka dhiirri gelinta ah ee la bilaabay gaar ahaan qeybta tignoolajiyada.


