#DGC Yakatit 17/2017
Waftigan oo maanta booqasho ku tagay dagmada wahel ee miyiga ismamulka diridhabe ayaa waxa wehelinayay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dawlada.
Booqashada kasokow waxaa laqabtay madal dood wadaag ah waxaana furitaankii dooda kahadlay wasiiru dawlaha wasarada shaqada iyo xirfada dawlada fedaralka mudane Salamun Soka.
Wuxu hadalkisa ku sharaxay in laga shaqeeyay sidii xal loogu heli lahaa qaybaha bulshada ee meelaha kale si ay dhibaatada uga baxaan, isagoo xusay in wali ay ka mid tahay qodobada maanta laga doodayo.
Sidoo kale, dhanka abuurista isfahamka guud oo ka hirgala dagmada ayaa si wada jir ah loogu qiimeeyay iyadoo laga codsaday mas’uuliyiinta dagmada inay soo bandhigaan waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bilood ee lasoo dhaafay.
Mudane Shaakir Axmad oo ah Kaaliyaha Dawladda Ee Golaha barlaamaanka is Maamulka diridhabe ayaa isago ka shanaya mumulka dagmada kormeer siyay waftiga.
Geesta kale Mudane Cabdi Nuure oo ah gudomiyaha dagmada wahel ayaa ka warbixiyay hawlaha ay qabteen, isagoo sheegay in dagmada ay sanadkan wax badan ka qabatay horumarinta biyaha.
Mudane cabdi waxa uu intaa ku daray in iyada oo ay barbar socoto horumarinta biyo-xidheenka, sidoo kalena la sameeyay hawlo baadhitaan ah. Tusaale ahaan, wuxuu sheegay in 180 qof oo si sharci darro ah uga diiwaan gashana horumarinta Saftineedka la baaray lagana saraay. Waxa kale oo uu sheegay in 9000 oo ka mid ah 21000 oo macaamiil ah oo Safenet ah lagu baadhay 5 ka mid ah 9 ka xaafadood.
Koormerkan ayaa sido kale lagu boqday Biyo mareenka uu wado tullada Hulul Mojo iyo xarunta caafimaadka ee Huluul Mojo iyo sidoo kale dadka isticmaala.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dawladda fedaraalka iyo maamulka iyo sidoo kale madaxda dagmooyinka ayaa goobjoog ka ahaa barnaamijka kormeerka.


