Intii uu socday barnaamijka ayaa waxaa goobta lagu xusayay Munaasabadda ciida dabshidka nadaafadda ka sameeyay Duqa magaalada Diridhaba Mudane Khedir Juhar oo ay wehliyaan Abayasha diimaha iyo dhalinyaro tabaruucaadka .
Waxaa la sheegay in magaalada Diridhaba ay tahay magaalo ay dhammaan diimuhu ku wada nool yihiin kalgacal, midnimo iyo nabad, waxaana la tilmaamay in ciidahaasi ay xoojiyaan iyo walaalnimada.
Sidoo kale waxaa ka qeyb galayay ololaha nadaafadda walaalaha ah ee Islaamka, borotastaantiga iyo caqiido kale oo aan la hadalnay ayaa tilmaamay in dhammaan ciidaha magaalada Diridhaba si wadajir ah iyo midnimo looga ciidayo, waxaana ay si weyn ugu duceeyeen in munaasabaddan ay noqoto mid is jecel, nabad iyo midnimo.
Barnaamijkan oo ay ka soo qayb galeen maayarka maamulka magaalada Diridhaba mudane khdir juhar, maayar ku xigeenka ahna madaxa xafiiska ganacsiga malgashiva iyo warshadaha ismaamulka diri dhabe mudane Xarbi Buux, madaxa xafiiska barwaaqo laantisa diri dhabe mudane Ibraahim Yuusuf, Abayaasha diimaha xubno ka tirsan golaha wasiirada laamaha amniga iyo dhalinyaro iskood isu xilqaamay.


