Waxaa la filaya in maalinta barri ay guud ahaan dalko dhan ka qabsoonto doorashada 7aad iyado ay shacabka ismaamulkani dir dhaba gaar ahaan kuwa ku nool dagmooyinka 07 iyo 09 ay sheegeen in ay maalinta barri si xor ah ay coodkooda u dhiiban doonaan.
qaar ka mid ah bulshada dagmooyinkasi oo aan makarafoonka la dhex marnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihi in ay xisbiga iyo shaqsiga ay rabaan codkooda siiyaan
Hooyooyin, aabbayaal, dhallinyaro iyo xubno ka tirsan dadka ku ganacsada xaafadahaasi ayaa sheegay in ay xuquuqdooda dastuuriga ah fulin doonaan.
codbixinta ayaa bilaabmi doonta subax nimada hore ee barri oo isniin ah kuna beegan 24 ginbood 06:00 ama 12:00 subaxnimo ayay guud ahaan bulshada ismaamulka dir dhaba ugu baaqeen in ay doorashadaasi si firfircooni leh uga qayb qaatan.


