Garabyada Haweenka ee maanta bannaan baxa lagu taageerayay xisbiga barwaaqo iskugu soo baxay ayaa sheegay in doorashada xidhmada qamadiga ay tahay hab lagu xoojinayo daryeelka guud ee haweenka.
Ka soo qayb galayaasha ololahan ayaa sheegay in talaabooyinka uu xisbigu qaaday ee uu ku horumarinayo nolosha guud ee haweenka ay ahaayeen kuwo dhiiri galin leh.
waxa kale oo ay tilmaameen in Xisbiga Barwaaqo uu sii wado geediga isbedel ee uu ku bilaabay hirgelinta mashaariicaha horumarineed ee nolosha haweenka wax ka badilaya.
Ka qaybgalayaashu waxay xuseen in hay’adaha kala duwan ee adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee ismaamulkani dir dhaba laga hirgashay ay wax weyn ka bedeleen baahiyaha horumarineed ee haweenka .
waxayna sheegeen in ay hadda ka hor haweenku lumin jiray fursadahooda shaqo hadda se ay ka qayb galaan dhinacyada waxbarashada iyo hawlo kale oo dhinaca bulshada ah taasina ay tahay sida xisbiga Barwaaqo u muujiyay wada shaqaynta uu la leeyahay haweenka.
Waxayna intaasi ku dareen in horumarinta fursadaha shaqo ee dhalinyarada iyo haweenka, bixinta deynta iyo isku xirka suuqyada ay yihiin kuwo rajo leh iyo in dadaallada lagu xoojinayo haweenka ka qayb gala hoggaaminta qaybaheeda kala duwan isla markaana kale kor u qaaday kalsoonidooda.
Ugu dambeyn waxay sheegeen in doorashada xibiga barwaaqo oo ay calaamadiisu tahay xidhmada qamadiga ay tahay hab lagu xoojinayo awoodda guud ee haweenka iyo geediga barwaaqada iyo dhisidda berritolada wanaagsan.


