Waxaa Laa Tilmamaay In Fiiro gaar Ah loo Yeesho Ardayda si ay u noqdan Muwaadiniin karti u leh dhinacyada sayniska iyo ganacsiga.

Xafiiska Waxbarashada ee is Maamulka Diridhabe ayaa soo qaban qaabiyay Carwadii 11-aad ee Hal-abuurka Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo kuwa sare taas oo hal ku dhag looga dhigay “Hal-abuurka Farsamadu waa Dhismaha Qaranka iyo Barwaaqadena” ee Sannad Dugsiyeedka 2017.

Waxaana baandhig carweedkan goob joog ahaa oo ugu horaynti ka hadlay Mayaarka magaalada Diridhabe Mudane Khadir Juhaar, oo sheegay in ay carwadani fududaynayso in ardaydu tignoloojiyada casriga lajaan qadii karan.oo shaqada bini’aadamka u baddalaya habab casri ah oo loo marayo tignoolajiyada. Maayar Khdir ayaa sido kale yidhi in ardaydu ay fasalka ku dhaqan galiyaan fikradihii ay barteen, isla markaana ay abuuraan shaqooyin dhiirigalin iyo hal abuur leh oo aan u baahnayn aqoon iyo garasho badan, taasina ay tahay in la sii xoojiyo.

Mayaarka,oo hadalkisa sii wata ayaa tilmaamay in maadaama ay carwadan ku jiraan halabuuro badan oo ardaydii keentay hal-abuurnimada ugu wanaagsana la soo xuli doono, isla markaana fursad loo siin doono in ay tababar ku qaataan Xarunta Artificial Intelligence ee dalka, isla markaana la aqoonsan doono heer maamul.

Dhanka kale,Mudane Suldaan Caliyii oo ah madaxa xafiiska waxbarashada ee ismaamulka Diridhabe ayaa sheegay in qaybta ICT-ga iyo tignoolajiyada ay tahay qaybta ugu muhiimsan qaybaha uu dalkeenu xiligan xooga saarayo oo aay qaybtani muhiim u tahay dardargalinta kobaca iyo barwaaqada dalkeena.

Sidoo kale, mudane suldaan, ayaa xusay in xafiiska waxbarashada ee ismaamulka Diridhabe uu isna ahmiyad gaar ah siinayo dhanka waxbarashada, isagoo sheegay in carwada maanta ay ardaydu ku soo bandhigeen wax qabadyo hal abuur leh oo laga helay dugsiyada magalaada.

Waxa kalo uu tilmaamay in loo baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho ardayda si ay u noqdan muwaadiniin karti u leh dhinacyada cilmiga iyo hal-abuurka ganacsiga.

Wuuxuna xusay masuulku in carwadani socon doonto muddo saddex malmood ah oo xidhiidh ah, wuuxuna u mahad celiyay dhamaan dugsiyada, macalimiinta, ardayda, iyo bulshada maamulka oo uu sheegay inay gacan wayn ka gaystaan ​​sidii barnaamijkani u qabsoomi lahaa.

Ugu danbaynti mayaarka iyo hogaminti kale ee kaso qayb gashay carwada ayaa soo indha indheyay hal abuuradi ardaydu sameyeen.

Cabdilahi Cabdo

Sawirka:Aganyaw Shawa araga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *