Waxaa la sheegay in laga shaqaynayo sidii haweenka looga dhigi lahaa kuwo firfircoon oo ka faa’iidaysta qaybaha dhaqan dhaqaale iyo siyaasadda ismaamulka.

Madal aqoon is way darsii ah oo ku sabsaan xeer hoosaadka iyo shuruucda garabka haweenka ee xisbiga barwaaqo ayaa loo qabtaay xafiiska mareeyaha magaalada diridhabe.

Waxaana hadloo kaso jeedisay madashan Marwo Aynalam Mangasha oo ah madaxa garabka haweenka ee Xisbiga Barwaaqo ee ismamulka diridhabe ayaa tilmaantay in lagu dadaalayo sidii haweenku ay qayb uga qaadan lahaayeen horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Marwo Aynalam ayaa sharaxday in ururada garabka haweenka lagu balaadhiyay dhamaan dagmooyinka maamulka isla markaana lagu dadaalayo sidii haweenka looga qayb galin lahaa.

Marwo Aynalam ayaa sido kale sheegtay in ay jiri doonan hawlo is daba joog ah oo kor loogu qaadayo tayada haweenka si ay u awoodaan in ay mas’uul ka noqdaan dhammaan heerarka kala duwan ee maamulka dawladda, iyada oo u mahadcelisay xafiiska maareeyaha diridhabe oo soo agaasimay madashan maanta.

Hay’adaha kale ayaa sidoo kale sheegay inay qabtaan hawlo kor u qaadaya tayada haweenka oo ay barbar socdaan hawlahooda shaqo ee caadiga ah.

Madashaa ayaa waxaa lagu sharxay oo si mug leh loogu soo bandhigay xeer hoosaadka Garabka Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo oo ay si wayn uga doodeen ka soo qaybgalayaashuu.

Shucayb daahir

Sawir qade: Salaam Ababe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *